Hadaba hadii aad dooneyso inaad noqoto qof ku raaxeysta nolosha aduunka oo mar walba faraxsanaada raac talooyinkan hoos ku qoran ee 20-ka talo:
1. Ha laga helo iimaan qalbigaaga buuxiya kuna shukri ALLAH markasta.
2. Wax tagey tiigsimaad ma leh, ha ka fekerin wixii ku dhaafay khaladkaaga kaliya ka baro.
3. Ku qanac qismada iyo xukunka Alle,iyo risqiga lagu siiyey, fiirina cida kaa hoosaysa ee ha fiirin cida kaa sareysa.
4. Badi baryada Alle iyo xuska nabi Muxammad SCW.
5. Ka nadiifi qalbigaaga xasadka iyo xiqdiga Adoomada EEBBE.
6. Ku dadaal akhriska kitaabka kariimka ah, saaxiibna ka yeelo waa badbaadadaada aduun iyo aakhiro.
7. Nidaami howlahaaga, nolol maalmeedkaaga shaqo, gurigaaga iyo meel kasta oo aad joogto kuna xirnoow ALLAH.
8. Ku dadaal socodka iyo jimicsiga, qalbiga fayow wuxuu ku jira jirka fayow.
9. Akhri buugaagta taariikhda ah si aad wax uga ogaato sooyaalka nolosha aduunku soo maray, waxna ka baro dadka kaa wayn.
10. Ha badsan waxyaabaha ay ka mid yihiin; shaaha, kafeega, kana dheerow maandoriyaasha sida qaadka, khamriga iyo daroogada iwm.
11. Ku dadaal nadaafada maryahaaga iyo bilicda muuqaaga.
12. Xasuuso in Alle denbi dhaaf badan yahay.
13. Alle uga mahad naq nimcooyinka uu ku siiyey ee ay ka mid yihiin; aragga, risqiga, diinta, caafimaadka, maqalka iwm.
14. Ogoow in dadka ay ka mid yihiin kuwa waayey caqligii, caafimaadkii, lixaadkii iwm.
15. Ku dadaal akhriska qur’aanka, dhageysigiisa , xifdintiisa, waayo wuxuu qur’aanku daawo u yahay xanuun kasta.
16. Alle talo saaro isaga ayaa kugu filane.
17. Cafi qofka ku dulmiya, xiriiri kan ku gooya, u dulqaado kan kugu xad gudba.
18. Ku celceli kalmada(لا حول ولا قوة الا بالله العلي العظيم) Alle ayey raali gelisaaye.
19. Badi istiqfaarta, waxaad helidoontaa risqi, qalbi nadiif ah iyo wax walba.
20. Ku qanac muuqalkaaga, shaqadaada, dhaqaalahaaga, gurigaaga, ehelkaaga, ilmahaaga iyo wuxuu EEBBE ku siiyey. Alhamdulillah.